Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyada Dowlada ee Sanadka 2020

    Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya ayaa saxiixay miisaaniyada dawlada ee sannadka 2020 kadib markii ay shalay ansixiyeed laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Madaxwyenaha ayaa ku bogaadiyay xilibaanada labada gole oo wadajir u ansixiyay miisaaniyadan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadnaa iyagoo ku ansixiyay cod aqlabiyad leh.

    Madaxweyne Farmaajo oo dul istaagay kororka miisaaniyada dawlada federalka Soomaaliya ayaa faray xukuumada in ay xooga saarto dardargelinta adeegyada bulshada kobcinta fursadaha shaqo ee dhalinyarada iyo xaqiijinta mushaharaadka shaqaalada dawlada iyo ciidanka qalabka sida.

    Sidoo kale madaxweynaha ayaa adkeeyay qorshayaasha heer qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo sidoo kale dadaalka xooggan ee sharacbka iyo dawladu ugu jiraan hirgelinta hanaan maaliyadeed oo hufan.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu mahadceliyay wasaarada maaliyada iyo dhaqaalayahanada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyadan waxtarka u leh dadlka iyo dalka Soomaaliyeed.

    Miisaaniyadan ayaa waxaa shalay ansixiyay laba gole ee baarlamaanka Soomaaliya waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay xilibaano gaaraya 188 xilibaan sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here