MW Xaaf qoraal uu caawa soo saaray dib ula wareegay hogaankii Galmudug

    Warmurtiyeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu  si buuxda dib ula soo wareegay wakaaladdii uu horay u siiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu kalsoonidii uu siiyay Dowlada Fedaraalka uu dib ugala laabtay. Qoraalka ayaa lagu faray dhammaan Golaha Wasiirada iyo howl-wadeennada kale ee Dawlad Goboleedka Galmudug in ay si rasmi ah dib uga howlgalaan xaruumahooda laga billaabo 15 Jan 2020 iyaga oo ka amar qaadanaya hogaanka Madaxweyne Xaaf.

    Madaxweyne Xaaf ayaa wali sheegta in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ilamaa ay shacabka reer Galmudug ay si xor ah u soo doortaan madaxweyne cusub. Beesha Caalamka  ayaa sidoo kale rumaysan in Xaaf yahay Madaxweynaha rasmiga ah ilamaa mid cusub la soo doorto.

    Xaalada deegaanka Galmudug ayaa faraha ka sii baxaysa maalimba maalinta ka danbeeysa ka dib markii Xasan Kheyre ku fashilmay in uu xal u helo qilaafka ka dhex jira dadka ku dhaqan Galmudug.

    Halkaan ka aqriso qoraalka caawa soo baxay:

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here