Kheyre iyo Sabriye oo isku khilaafay 20-ka xildhibaan ee Ahlu-sunna

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raisulwasaarha Xukuumadda federaaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo waasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa isku khilaafsan yihiin 20-ka xildhibaan ee Ahlusuna laga aqbalay.

    Wasiirka ayaa qaba in 20-ka xildhibaan ee ahlusuna ka yimaaday aysan marin sharuudihii looga baahnaa,taasina ay horseedi karto in lagu kala qeybsamo dhismaha Dowladd goboleedka Galmudug oo haatan bilow ah.

    Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda federaaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu dhagaha ka fureystay hadalka wasiirka,wuxuuna Guddiga Farsamadda ku amray in ay shaaciyaan liiska Xildhibaanadda Ahlusuna.

    Arintaan ayaa imaanaysa xili Raisulwasaaraha Xukuumadda oo ku sugan yahay DHuusa-mareeb wuxuuna dhawaan kulamo la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyo Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud,waxaana la sheegay in uu aqbalay codsigooda

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here