Milatariga Kenya : Waxaan dilnay maleeshiyaad Shabaab ah

    Ciidanka Kenya ayaa toogasho ku dilay afar ka mid ahaa Al-Shabaab, markii ay waddada u dhexeysa Mombasa iyo Laamu u galeen Bas siday shacab.

    Isku duwaha Gobolka Xeebta, John Elungata, ayaa sheegay in ay Ciidankoodu ku guuleysteen dilka Afartaasi xubnood, mid kalana ay Gacanta ku dhigeen.

    Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka Baska ay ku dileen afar qof oo shacab ah, kuwaasoo ay sheegeen in ay Masiixiyiin ahaayeen.

    Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in tirro kale oo rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartey falkaas ooo dhacay subaxnimadii Khamiista ee todobaadkan aynu ku jirno haatan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here