Muxuu u xiran Yahay Fanaanka Khadar Keeyoow?

    Fanaanka caanka ah ee Khadar keeyoow ayaa maalintii 5-aad ku xiran xabsi ku yaala caasimadda Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xariga fananaankaas, lkn Warbaahinta Muqdishopost oo daba-gal ku sameeysay sababta dhab ah ee ka danbeeysa xarigiisa.

    Bartamihii Sanadkii tagay ee 2019 ayuu Fanaanku Passpor Itoobiyaan ah ka dalbaday is-maamulka Somalida ee Itoobiya, Khadar ayaana daahsaday soo bixistiisa, wuxuuna u safray magalaada hargeysa.

    Muddo yar kadib ayaa Fanaanka lagu soo wargeliyay in uu soo baxay Passporkiisa Itoobiyaanka ee uu codsadsy, qof ayaana u soo qaaday, uguna keenay Hargeysa, Passporkuna ma leheen wax Exit-ah (Ka bixis dalka) madaama shaqsi boorsadiisa lagu soo qaaday,

    Keeyoow ayaana u duulay Addis-Ababa isagii oo wata isla passporkii aan Exit-ka leheen, Lkn passporka uu ku dhaafay uu ahaa Somali, waaxda socdaalka Dalkaas ayaana Qabatay Fanaanka, iyagoo police-ka ku war-geliyay in ay hayaan shaqsi wata labo passpor oo midi uusan leheen ka bixista dalkooda.

    Ehelada Fanaanka oo uu ugu horeeyo Xildhibaan C/qaadir Caraboow ayaa dadaal dheer oo leh yada-diilo ugu jiro soo deysmadiisa.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here