AFRICOM oo war kasoo saartay duqeeymo lala beegsaday Shabaab

    Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa ka warbixiyey duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose.

    Qoraal kasoo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in weerarkan ay la kaashaadeen saaxiibadooda Soomaaliya, ayna bartilmaameedsadeen xubno Al-shabaab ah.

    AFRICOM ayaa sheegtay iney dileen Saddex ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, balse magacyadooda ma aanay sheegin.

    Sidoo kale, AFRICOM waxay tilmaantay in aanay jirin cid rayid ah oo wax ku noqotey, weerarkaasi, sidoo kalena ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Al-shabaab.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here