Lafta-gareen oo loogu baaqay in uu wax ka qabto cuno ka soomista Rooboow

    Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga baaqay in baaritaan uu ku sameeyo Xaaladda Shiikh Muqtaar Roobow oo Shabaab ka tirsanaan jirey oo la sheegay in uu Cuntadii Ka Soomay.

    Malaaq C/raxmaan Malaaq Shiino oo kamid ah waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay muqdishopost ayaa sheegay in ay soo gaartay aqbaarta ku aadan in uu cuntadii ka soomay Shiikh Muqtaar Roobow.

    Waxa uu sheegay in Maamulka koonfur Galbeed Sooomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne C/casiis Lafta gareen looga baahan yahay in arintaan u howlgalo,islamarkaana baaritaano lagu sameeyo.

    Wararka la xiriira in Cuntadii ka soomay Shiikh Muqtaar roobow ayaa soo baxay todobaadkaan,waxaana arintaas xaqiijiyay qaar kamid ah qoyskiisa oo Muqdisho ku sugaN

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here