M/w Xaaf, Galmudug Wixii hada ka dambeeya kama socon doonan wax aan raali ka aheyn,

    Madaxweyne Xaaf oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in markii hore howlaha maamulka uu ka wadi waayey dowladda dhexe, balse markii uu tanaasulay ay dowladdu sii burburisay wixii uu isagu dhisay labadii sano ee uu talada haayey.

    Madaxweyne Xaaf asagoo hadlaayo wuxuu yiri.

    “Maanta waxay mareysaa in odayaashii saxiixayaasha ahaa awoodii laga qaaday oo kuwo kale la keeno, caawa iyo berrina waxaa la rabaa in odayaashaas laga sixiixo 69-ka xildhibaan ee ka dhiman baarlamaanka Galmudug, markii laga reebo 20-ka Ahlu-Sunna oo iyaga lasoo magacaabay” ayuu yiri Xaaf.

    Wuxuu intaasi raaciyay Madaxweyne Xaaf  “Waa nasiib darro in Ra’iisul Wasarihii dalka oo laga rebay cadaaladda iyo u dhaxaynta dadka, inuu isagii inta Dhuusamareeb fariisto uu isku noqdo guddigii khilaafaadka, guddigii doorashooyinka iyo guud ahaanba isku duba ridaha Galmudug, taasina suurta gal ma aha aniga ayaa madaxweyne ka ah meeshaan wax aan dhiso mooyaane wax ka soo baxayana ma jirto”

    Madaxweyne Xaaf asagoo ka digaayo in Galmudug fowdo kadilaacdo ayuu yiri

    “Meeshaan marabo in dagaal iyo dhibaato ka dhacdo warkeyga waan cadeysanayaa waxaan rabaa in dowladda federaalka ay faraha kala baxdo Dhuusamareeb oo Ra’iisul wasaaha iyo wasiirka dadban ee arimaha gudaha ay meesha ka tagaan hadii kale meel la isku xag-xagto ayey noqonaysaa”

    Sidoo kale Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in waqtigiisii xilheynta uusan dhamaan dastuurka maamulkana uu dhigayo in waqtiga xilheyntiisu ay tahay afar sano, isla markaana uu hada doonayo in dowladda federaalku ay faraha kala baxdo arimaha maamulkiisa, isaguna uu Ahlu-Sunna u tagayo si ay maamul loo dhanyahay u soo dhistaan.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here