Mahad Salaad oo oo digniin u diray Madaxweyne Xaaf

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay soo rogaal celinta Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee ku aadan arrimaha doorashada maamulkaasi.

    Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore sheegay in intaan ka badan Galmudug aysan u dul qaadan karin ila meerayso lagu danaysanayo.

    Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay waxa isku soo beegay imaanshaha Madaxweyne Xaaf magaalada Gaalkacyo, guddiga xalay saqdii dhaxe uu magacaabay, kadib markii xil kiisii uu ku wareejiyay wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya iyo waraaqda ka soo baxday xaafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ee looga hakiyay lacagtii Galmudug.

    Xildhibaanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray mar haddii uu awooddiisii ku wareejiyey wasaaradda arrimaha gudaha ay u dhiganto inuu is casilay, sida uu hadalka u dhigay.

    Ugu dambeyn wuuxu kula taliyey Madaxweyne Xaaf, haddii uu weli hami uga jiro Galmudug inuu markale isku taago, tartanka doorashadana uu ka qeyb galo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here