Waqtiga ay AMISOM ka bexayso Soomaalia oo la shaaciyay

    Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in qorshaha bixitaanka Ciidamada AMISOM uu billowday islamarkaama Bisha soo socota ay Soomaaliya ka bixi doonaan kun Askari oo aan beddel AMISOM ah lahayn.

    Francisco Madeira, oo ah Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in Bisha February ee sanadkan ay Soomaaliya ka baxayaan 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidanka AMISOM.

    Mr Madeira, ayaa sheegay in kunka Askari ee ka socda AMISOM lagu beddelayo kun Askari oo Soomaali ah kuwaas oo tababarkooda iyo qalabkoodaba loo dhameystiray.

    Qorshaha kala guurka ah ee AMISOM ay guud ahaan dalka uga baxeyso dhamaadka 2021 ayaa waxaa uu soo billowday sanadkii 2018kii markaas oo Ciidamadii ugu horreeyay ay ka baxeen Soomaaliya.

    Dowladaha qaar ee ay Ciidamada ka joogaan AMISOM ayaa ka soo horjeeda qorshaha bixitaanka AMISOM waxaana waddamadaas ka mid ah Kenya iyo Uganda.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here