Wasiiradaha Ruushka & Turkey ayaa qadka taleefonka kaga hadlay Xaalada cakiran ee Bariga Dhexe

    Wasiirada  Arrimaha Dibada, ee Dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa khadka taleefoonka kaga wadahadley, arimo ay kamid yihiin, Xalada hada kataagan Bariga dhxe, iyo sidii loo qaboojin lahaa Xiisada cusub ee ka dhaxqarax day  Tehraan iyo waashinton 

    Intuu wadahadalka socday waxaay  kaloo  labada masuul ay kawadahaddleen dhibaatooyiinka kataagan wadamada Suuriya, Liibiya  iyo  Ciraaq waxaa ayna wasiiradaasi is lagarteen sidii gobalka horumar iyo Daganaasho looga soo dabaali lahaa.

    Wadakaaladda waraka ( Anaadool,) ayaa daabacday, warka ku saabsan wadahadalka Wasiirada arimaha Dibadda Moscow iyo Ankara,  Ruushka ayaa waxaa uu taageera xoogan uu siineyaa Dowladda madaxweyne Bishaar Al asad, halka Turkiguna hadda uu qorshooneyo in ciidamo uu  geeyo wadanka( Liibiya.)

    Waxaa se Xusid mudan in labada Dal ay wax yaabo badan isku aragtikayihiin dhanka kalena, waxaa jira  in Ruushka iyo Turkiga  ay xiriir wanaagsan laleyihiin, Xukuumadda ay mareykanku is haayaan ee Tehraan.

    Dhankakale Waxaa Dilika sargaalkii Reer (IIRAAN )ee duqeynta ay ku dishey  Dowladda mareykanka uu Bariga dhexe uu ka abuurey welwel tirabadan oo ku saabsan amaanka Gobalka, iyda oo( IIRAANA)ay  wacad ku martey in Go, aanka argoosigeedu uu meel yaalo, sidaanina aaney ku aamusi doonin.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here