Alshabaab ayaa weerarku qaaday Saldhiga Camp Simba ee Ciidanka Kenya

    Kooxa alshabaab ayaa weerar ku qaaday  Saldhiga Ciimada Kenya ee Camp Simba ee  Gobolka Lamu & saldhiga ay Ciimada Bada Maraykanka ay ku leeyihiin isla gobolka Lamu Gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Manda Bay

    Weerarka oo ahaa mid ku bilowday Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saakay kadib waxaa bilaawday weerar toos ah oo udhaxeeya kooxda alshabaab & Ciidaamada Kenyan ah , intuu socday weerarkaas waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac

    War qoaal ah oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Manda Bay oo ka tirsan Gobolka Lamu.

    Al-shabaab ayaa sheegtay  inay ka dhex-dagaalamayan gudaha Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya, isla markaana qeybo kamid ah ay la wareegeen Saldhiga.

    Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay uga hadlayaan weerarka ka socda deegaanka Manda Bay.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here