Mareykana ayaa ku guuleestay ineey so saaraan computer ugu xawaaraha dheer dunida.

    Dowladda Mareykanka ayaa daaha ka rogtay in ay soo saareyso Computer weyn kaasi oo lagu magacaabo Semite.

    Computer-kan ayaa labo jibaar ka awood badan Computerada hadda yaallo dunida, waxaana loo adeegsan karaa dhinacyada Physics, baaritaannada la xiriira Censer-ka iyo Nidaamyada Biology.

     

    Computer-ka Shiinaha ee magaciisa loo yaqaanno Sunway Taihu Light ayaa ah Computerada xilligan ugu awoodda weyn Caalamka kaasi oo si weyn loogu adeegsado dhinacyada Baaritaannada.

    Computer-ka ugu xawaaraha dheer ee Mareykanka ayaa horay waxaa loo oran jiray Titan waxa uuna hadda ku jiraa kaalinta 5-aad.

    Wasiirka Tamarta ee Mareykanka Rick Perry ayaa sheegay in hadda Mareykanka uu ku jiro tartan dhanka Tiknoolojiyadda ah, waxaa uu tilmaamay in Mareykanka uu noqon doono dowladaha ugu horreeya dhanka horumarka Tiknoloojiyadda . 

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here