Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa ka hadlay weerarkii alshabaab

    Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa war kooban ka soo saaray weerarkii xooganaa ee saaka aroortii hore lagu qaaday saldhiga Lamu oo ay si wadajir ah uga howlgalayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya.

    Ugu Horeyn Africom ayaa xaqiijsay in weerarkaan ay Al-Shabaab la bartilmaameedsatay saldhig ay ku lahaayeen gobolka Lamu ee dalkaasi Kenya.

    Sido  kale wakaaladda wararka ee AP ayaa baahisay in weerarka uu geystay khasaare xoogan oo soo gaaray labada dhinac iyo saldhigga lagu dagaalamay.

    AP oo soo xiganeysa saraakiil Boolis ah ayaa sheegtay in saddex diyaaradood nooca dagaalka ah oo labo kamid ah Mareykanku lahaa, midna Kenya lahaa oo  ku burburtay dagaalkaas.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here