Xisbiga UPD oo xalay faciisa laga Furay Dalka Uganda.

    Waxaa habeenimadii xalay aheyd lafuray  Xisbiga UPD faraciisa labaad Dalka Uganda. Waa markii ugu horeysay oo dalka dibadiisa laga furo , horey waxaa loogu daah furay Magalada Muqdisho,

    Xisbiga UPD  waa midka kaliya ee u howlgalka Nidaam Xisbi asagoo ku baahinaayo in ahdaafta xisbiga u tagan tahay gaarsiiso guud ahaan dadka Soomaaliyeed Meel walbo joogaan.

    Hadal kooban uu Xoghayaha Guud ee Xisbiga UPD Md. Ahmed Moallin Fiqi kasoo saaray ayaa ah.

    ” Munaasabadda daahfurka Xisbiga UPD laantiisa Uganda oo si weyn loo soo abaabuley loogana soo qeybgalay ayaan xaley uga qeybgalney magaalada Kampala.

    Dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dalka Uganda wax ka baratey, ganacsato, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale ayaa munaasabaddaas ka soo qeybgalay.

    Siyaasadaha xisbiga UPD waxaa ka mid ah In jaaliyadaha Soomaaliyeed lagu xiro dalka iyo siyaasadihiisa, lana baahiyo afkaarta iyo aragtida xisbiga si aqoonyahanka Soomaaliyeed uu qeyb uga noqdo barnaamijyada xisbiga ee lagu samatabixinayo dalka ayadoo dalku uu u socdo nidaamka xisbiyada badan.

    Waxaan isku barannay aqoonyahan badan iyo akhyaar kala duwan, waad wada mahadsan tihiin dhamaantiin soo dhawaynteena iyo daryeelkeena mudadii aan ku sugnaa halkaas.”

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here