Aaska Jeneral Sulaymaani: Kummaanan qof oo u baroor- diiqaya Jeneralka oo isugu soo baxay Tehran

    Kumannaan qof oo baroor-diiq samaynaya Jeneral Qaasim Sulaymaani ayaa buux dhaafiyey jidadka Tehran.

    Jeneraal Qaasim Suleymaani Soleimani oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa dowladda Mareykanka ku dishay duqeyn dhanka cirka ah.

    Wakaalada wararka ee Iiraan ee loo soo gaabiyo Irib ayaa daabacday sawiro naxashka Soleimani oo lagu duubay calanka Iiraan.

    Caasimadda Tehran, xildhibaanada baarlamaanka Iiraan ayaa ku luuqaynayay “Mareykanku ha dhinto”.

    Soleimani ayaa ahaa sargaalka Iiraan u qaabilsan bariga dhexe islamarkana waxaa la rumaysan yahay in uu ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badan Iiraan.

    Dilkiisa ayaa waxaa uu sare u sii qaaday xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

    Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa ka digay “Aargoos adag “.

    Madaxwayne Trump, ayaa bixiyay amarka weerarka lagu dilay Soleimani.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here