Awaamiir culus oo la dul-dhigay shirarka lagu qabsado Guriceel

    Warqad ka soo baxdey Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu amray in aan Hotelada iyo goobaha dadku ku kulmo lagu qaban Karin shir ama xaflad aan maamulka lasoo ogeysiinin 24-saacadood kohor.

    Qoraalka Maamulka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururrada Bulshada rayidka ee ku sugan dhuusamareeb looga baahan yahay inay si deg deg ah isku soo diiwaangeliyaan si loo hubiyo Ururada saxda ah ee diiwaangashan.

    Amarkaan kasoo baxay Maamulka degmada Guriceel ayaa daba socday xilli maalmihii la soo dhaafay ururro siyaasadeed ay dhallinyaro degmadaasi ku nool aas-aasteen.

    Halkaan ka aqriso warka ka soo baxay Maamulka Degmada.

     

     

     

     

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here