Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa galmudug ka bilaawday daawooyin lagula dagaalayo Ayaxa

    Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha  XFS  ayaa ka biloowday deegaano hoostaga Magaalada dhuusamareeb daawooyin  lagula dagaalamayo Ayaxa taasoo ay dhibaato ba’an ku qabaan dadka deegaanka

    Duqa Dagmada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi oo ka hadlay arrintaan ayaa yiri  waxaana fulinaya Howshaasi Shaqaale sigaar ah loo Tabababaray.

    Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug oo ay ku yaallan dhul beereed ayaa waxaa ku dul-degay Ayax badan, kaasoo xaaluf ku haya meelaha dhul-daaqsimeedka ah iyo dalagga Beeraha.

    Mas’uuliyiin kala duwan ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay wax ka qabato Cabashada kasoo yeertay dadka beeraleyda ah, taasi oo ku aadan dhibaatada Ayaxa oo mudooyinkii dambe ku degay dhul beereed badan oo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here