Dowlada Punthland ayaa dhaqaatiir udirtay Deegaanka Saaxdheer

    Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey  deegaanka Saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool.

    Maalmihii la soo dhaafay, waxaa deegaanka Saaxdheer ka dilaacey cudur  ay u geeriyoodeen  ilaa  Saddex ruux, dad kale ay u il daranyihiin.

    Wasaarada ayaa sheegtay in Kooxo dhaqaatiir ah loo direy deegaankaas,kadib markii baaqyo kala duwan ay kasoo baxeen Odayaasha iyo waxgaradka .

    Dhaqaatiirtas  ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaalka Saaxdheer jiifa si loogu qabto baahiyaha Caafimaad oo ay qabaan.

    Dowladda Goboleedka Puntland aya Horay u shegtay in ay Dhaqatiir ay diri donaan deganadasi si loga jawabo Cabashada ka soo yeertay dadka deegaanka.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here