Gen Abdalla Abdalle T/Xigeenkii Hore NISA oo udigay Saraakiisha Hey’addaha Amniga Soomaaliya.

    Gen Abdalla Abdalla oo hore u ahaa T/Xigeenka NISA Dhinaca Sirdoonka , ayaa bartiisa facebook ku qoray Fariin ku socoto Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya , Kadib markii uu helay Macluumaad ah  in cadowga Alshabaab Heleen Xogaha Shaqsiga ee Saraakiisha, tasso u sahleeysa Argagaxisada ineey ugaarsadaan Saraakiisha,

    General Abdalle inta uu xilka hayay wuxuu Madaxweynaha JFS Mudane Mohamed Abdallahi Farmaajo u gudbiyay warbixin Sirdoon uu ka diyaariyay Agaasimaha Guud ee NISA Fahad Yaasiin,  tasso muujineysa Xiriirka uu laleeyahay Kooxaha Argagaxisa Alshabaab & Alqaacida,

    Marki ay gaartay Macluumaadkaas Xafiiska Madaxweynaha oo uu markaas Agaasimaha Madaxtooyada Ahaa Fahad Yaasiin, waxaa bilaabatay cadaadis xoogan oo lasoo saaray Genaral Abdalla Abdalla taaso ugu danbeen laga xayuubiyay Darajada Ciidanka ee Genaraal nimada taaso uu ku wayn karo markii ay maxkamad xukunto ladin,

    Genaraal abdalla fariinta digniinta qatarta muujineyso ee uu ku qoray bartiisa facebook wasida hoos ku xusan.

    Waxaa isasoo taraya Khatarta labada Alshabab ay ku hayaan Amniga iyo Saraakiisha , Waxaa jirta in magacyadooda, deegaanka, telka Sawirka iyo CV ha Saraakiisha Ciidanka lala wadaagay Alshabab ka duurka ayna bilaabatay in Sarkaalka loogu tago guryahooda oo albaabka lagu garaaco…
    Arintaas Waa in laga hortago oo la qaado tallaaboyin isdifaac ah , sarkaal walba Waa inuu iska badalo Wixii telefan ah ee laga diiwaangaliyay inta Alshabab ku qabsadeen Hay’adaha amniga , in uu sameeyo aagbadal, in la wacyi galiyo qoyska Xubnihiisa ,Si aysan Xogta u bixin Hadii la weydiiyo meesha uu jiro iyo xilliga uu imaanayo..
    Qof walba iyo Sarkal walba Waa inuu ogaadaa in uu cadowgu u dhowyaha oo uu la joogo Xataa Kan madaxda kuu ah uu noqon karo, sidaasna uu naftiis Amnigeeda ka taxdaro…
    Laba Alshabab Waa isku mid Waa xog keene iyo Fuliye..
    Allah ayaa fashilindoona dhagartooda…

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here