Lataliyaha arrimaha Militariga ee hogaamiyaha Iiraaan oo ku hanjabay in Maraykanka

    Lataliyha arrimaha milateriga ee hogaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishenka CNN ee dalka Mareykanka waxaa uu kaga hadlay tallaabada xigta ee laga fili karo Iran, kadib markii Mareykanka uu dilay Qasem Suleimani oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada ugu awoodda badan Iran.

    Jeneraal Hossein Dehghan ayaa sheegay in Iran ay aargoosan doonta, ayna toos u bartilmaameedsan doonta “xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay”.

    Lataliye sare Dehghan oo sidoo kale horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Iran ayaa sheegay in tallaabada xigta ay ka imaan doonta Iran, balse aysan ahayn mid laga sugi doonaa kooxaha taabacsan ee ka dagaalama gobolka.

    “Waxaa laga yaabaa in la is yiraahdo tallaabada xigta waa hawgal dadban ah, waxaan leenahay Trump annaga ayaad si toos ah inoo soo weerartay, annaga ayaana tallaaba toos ah kaa qaadi doona.”

    Mareykanka ayaa waxaa bariga dhexe ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaas oo kala joogaa dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraatka iyo Turkiga, waxaana dalka Ciraaq oo keliya ka jooga ciidan gaaraya shan kun oo askari

    Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray “in haddii Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah uu dalkiisa uga jawaabi doona hubka casriga ah ee uu heysto!”

    “Waxaan Iran kula talinayaa in aysan ina weerarin, haddii ay ina weeraraan, annaguna waan weerareynaa”, ayuu Trump ku qoray bartiisa Twiter-ka.

    Haseyeeshee arrintaas waxaa ka jawaabay Dehghan oo sheegay in Mareykanka uu billaabay dagaalka, dhameystirkana ay leedahay Iran.

    Dehgahn waxaa kale oo uu ka jawaabay hanjabaad kasoo yeertay madaxweyne Trump oo ahayd in Mareykanka uu bartilmaameedsan doonaa 52 xarumo dhaqameed, haddii ay Iran qaado tallaaba aargoosi ah.

    Waxaana uu yiri “haddi ay 52 bartilmaameedsadaan, 300 oo aan gaari karno ayaan annaguna bartilmaameedsaneynaa oo ma jiri doonta saldhig milateri oo uu Mareykanka leeyahay oo nabad ahaan doona, ma jiri doonta askar Mareykan ah oo nabadgeli doonta, ma jiri doona Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo nabad ahaan doona.

    “Dhammaan shacabka Iran waa Qasem Soleimani, qofka hadda isaga lagu badelayna waxaa uu ka hoos shaqeynayay inkabadan labaatan sano, waxaana uu aaminsan yahay qaacidadii iyo iyo xeeladii uu lahaa Qasem,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here