Sir qarsoon ayaa lagu ogaaday gudiga uu Magacabay R/W Khaire ineey saldhig u tahay Khilaaf ka dhax aloosan Madaxda Qaranka.

    Raisal Wasaaraha JFS Mudane Hassan Ali Kaire ayaa magacabay Gudiga  qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

    Waa markii u horeysay oo gudi noocaan lamagacabo iyadoo Xuska Sanad guurada ka  dhiman tahay 6 billows.

    Waxaa ka dhalatay hadal heen aad u badan Magacabida Gudigan iyadoo dadka siyaasada odoroso ay ku qiimeeyeen in uu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha &  Raisal Wasaara JFS taaso uu Raisal Wasaaraha istusay in ay suurta gal tahay khilaafka in xal loo waayo isla markaasna mooshin lagu rido Raisal Wasaaraha uu soo abaabulo Madaxweyne Farmaajo.

    Sidaasi darteed uu Raisal Wasaaraha uga faaideysanayo inuu magacabo gudigaan aan dhismihiisa micno ku fadhin .

    Muqdishopost. Oo raadisay Macluumad ku saabsan khilaafka madaxda qaranka ayaa ogaatay inuu saldhig u yahay .

    1. Sharciga Doorashooyinka Qaranka .

    2. Sameenta Xisbi ayku mideesan yihiin Raisal Wasaare Khayre & Madaxweyne Farmaajo taaso u cuntami waysay Raisal wasaare Khaire maadama uu damacsan yahay inuu u tartamo jagada Madaxweyne Nimo 2021.

    3. In xilka laga qaado Wasiirad khadiijo Mohamed Diiriye taaso uu Madaxweynaha Soo jeediyay balse Raisal Wasaaraha diiday.

    Muqdishopost waxaay sido kale soo ogaatay in uu shaki so kala dhaxgalay Milkiilaha Dowlada Fahad Yaasiin & Madaxweynaha taaso kadhalatay doodii udhaxeysay Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha inuu la saftay Raisal Wasaare Khaire .

    Digreetada gudiga Magacaban waa tan hoos ka muuqato.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here