Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame oo banaanka soo dhigay Sirta ku hoos duugan Xog uruurinta Ay NISA ku sameysay shaqalaha Rayidka

    Bilihii udanbeeyay Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed oo ku howlaneed aruurinta Xogaha Shaqaalaha Rayidka Ee DFS ,

    Inta ay socoyay Xog aruurinta Shaqalaaha Rayidka waxaa jirtay dad badan oo ka muujiyay shaki ah in qatar lagalinaayo Amniga Shaqalaha Rayid Maadama lawada ogyahay in ay isku milmeen Kooxda Argagaxisada Alshabaab & NISA ,

    Masuuliyiinta ka hadlay Arrintaan waxaa ka mid ah Abdirahmaan Abdishakuur Warsame oo ah Musharaxa Xisbiga Wadajir,

    Hadal kooban uu Bartiisa Facebook Soo dhigay ayaa uqornaa Sida tan soo socoto.

    Waxay xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka ii xaqiijiyeen in Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay bilihii la soo dhaafay ku hawlanayd ururinta xogta shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka.

    Waxay qof walba ka qaadayeen magaciisa, magaca labadiisa waalid, sawirkiisa, sawir muuqaal ah oo hoyga uu degganyahay ah, saaxibbadiis, taariikhdiisa nololeed, dadka ehelkiisa ah IWM. Waxaa soo baxaysa in xogtaas ay u gudubtay Al-Shabaab. Sida uu sheegay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA Mudane Abdalla Abdalla, waxaa guryohooda loogu tegey saraakiil NISA ka tirsan, laakiin xilligaa ka maqnaa hoygooda.

    Haddii xogta ku saabsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka si wadashaqeyn ah loogu gudbiyey Al-shabaab iyo haddii ay si kalaba ku heleenba waa halis amniga Qaranka dalka soo foodsaartay.

    Waxaan haddaba ugu baaqayaa xildhibaannada in ay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan. Sidoo kale Xisbiyada siyaasadda iyo warbaahinta waa in ifiyaan halista uu arrinkaasi yeelan karo. Hay’adda Nabadsugidda waa in caddeyn ka bixisaa arrinkaas.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here