Taliyaha BOL oo lakulmay Gud. GDMQ ayagoo kawada hadlay Arrimo Sir ah.

    Taliyaha Ciidanka BOL Soomaaliyeed ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan Dooroshooyinka Qaranka ,

    Kulankaasi waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka & Sida Amniga Doorashooyinka Loo Adkeen Lahaa.

    Muqdishopost oo dabagal ku sameeysay wuxuu Salka ku haayo Kulamada dhaxmaray Hey’addaha Amniga & Gudiga Madaxbanaan Ee Dooroshooyinka Qaranka.

    Sida lawada ogyahay Baarlamaanka wuxuu dhawaan ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka kaaso horyaalo Aqal ka Sare.

    Iyadoo sharcigaas uusan aheyn kii ay soo diyaariyeen Xukuumada balse wax ka badal ayaa lagu sameeyay.

    Madaxweyne Farmaajo arrintaas wa u cuntami waysay kadib markii uu Gudoonka Baarlamaanka & Raisal Wasaaraha ka wayay ineey garab ku siiyay sida loogu meel marin lahaa Baarlamaanka.

    Madaxweynaha wuxuu adeejiyay Gudiga Dooroshooyinka Madaxbanaan Ee Qaranka si ay shaki ugaliyaan goaanka Baarlamaanka isla markaasna u qaban qaabiyaan doorasho nooca uu doonayo Madaxweyne Farmaajo.

    Sidaasi darteed Maalmahaan u danbeeyay waxaa kulamo qarsoodi wada qaadanaya Hey’addaha Amniga & GMDQ si ay u Keenan doorasho lagu meel mariyo awood ciidan taas oo qatar galin karta daganaanshaha iyo dhismaha Dowladnimada Soomaaliya .

    Muqdishopost waxaay lasocotay kulan dhaxmaray Agaasimaha NISA & Xaliimo Yareey kaaso qabsoomelay Isbuucii Horeyto .

    Kulanka Maanta ay yeesheen Taliyaha BOL & Xaliimo Yareey wuxuu daba socdaa kulankii hore.

    Waxaa cadaatay in Gudiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka aykaleexatay wadadii lagu ogahay taasoo noqotay habraac si qaldan uu adeegsado Madaxweyn Farmaajo.

    Muqdishopost

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here