Wasiirka Maaliya XFS oo ka hadlay shirka dib u eegista SMP4

    Sadaxdii Sano ee udanbeysay DFS waxaay ku howlaneed Barnaamijka Dayn Cafinta soomaaliya , inta uu barnaamijka socday waxaa jirta sharuudo adag oo lagu diray DFS ineey marto si ay u gaarto barnaamijka Dayn Cafinta Soomaaliya,

    Wassiirka Maaliya oo magalada Addis Ababa uga qeyb galayo Shirka dib u eegista SMP4 ayaa bartiisa Facebook so dhigay qoraal kooban oo sidaan u qoran.

    Addis Ababa: January 06/2020. Waxaa maanta inoo furmay shirka dib-u-eegista 2aad ee SMP4 oo ah hanaanka 4aad ee deyn cafinta Soomaaliya.

    Inta uu socdo Shirkaan u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka ayaan ku eegi doonnaa Wixii innoo qabsoomay 2019-kii, wixii caqabado ah ee aan la kulannay iyo waxa aan hiigsaneynno sannadkan 2020-ka.

    Gabo gabada shirkaan waxaan rajeynayaa in ay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah, ummadduna ay ku wada qanacdo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here