Xaaf oo dadaalo Siyaasadeed kawada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

    Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmugu axmad Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka bilaabay abaabul xoogan oo uu kuyagleelayo maamul cusub oo ah Galmudug midaysan waa sida uu doonayee.

    Xaaf ayaa waxa uu Magaaladaa ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah beelaha dega Galmudug kuwaa oo uu kala hadlayo hanaanka uu u wajahayo dhisada Maamulka Galmudug maadaama Dowlada ay marar badan ku guul daraysatay in ay dhisto Galmudug midaysan oo loo dhanyahay.

    Xaaaf ayaa maalmo kahor waxa uu magacaabay gudi ka shaqeeya dhismaha Maamulka galmudug iyada oo uu shaqaynayo gudigii Dowladu u xilsaartay dhismaha Maamulka Galmudug in ay ka shaqeeyaan waxa uuna sheegay in uu gudigaasi yahay gudi aanan cadaalad ehayn uuna kala diray.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here