Dowlada Soomaaliya ayaa faquuq kusameeyay Muwaadin Soomaaliyeed.

    Axmed Cumar Yuusuf ayaa kamid noqday tobanaanka Soomaalida ah ee wax ku noqday falkii foosha xumaa ee 28-kii December, 2019, ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho.

    Yuusuf, oo kamid ah dadka ka shaqeysta dhismaha guryaha ee loo yaqaano Fuundiga, ayaa abaare 7:30 PM kasoo baxay hoyga ay ka degan yihiin degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimadda Soomaaliya.

    Nasiib daro, isagoo maalintaas qorshihiisu ahaa in uu shaqeeyo lacag uu ku kaabo qoyskiisa oo uu u ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqa, wuxuu la kulmay xasuuqaas.

    Sidda ay shaacisay Dowladda, 79 ruux ayaa ku naf-waayey falkaas oo Al-Shabaab ay sheegatay, waxaana badankooda ay ahaayeen arday iyo shacab, iyaddoo dhaawaca uu ka badan yahay 100 kale.

    Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tilmaamay in hadafkoodu ahaa kolanyo Turki ah oo meesha maraysey. Ugu yaraan laba ajaaniib ayaa ku dhimatay qaraxa.

    Isagoo u waramaya Talafishinka Somali Cable, Axmed oo kamid ah bukaanada la il-daran dhacdadaas ayaa dib u celiyey xusuustiisa maalintaas.

    “Iyadoo dhibaatadaas aan la kulmay cid i qaado ayaan waayey,” ayuu yiri, isagoo ku daray “Isbitaal Madiina ayaa lii geeyay hal saac ayaan tuugaayey ‘halii daaweeyo’ hal saac ayaan tuugaayey”.

    “Miyir-beelay”

    Aabbe Cumar, oo “miyir-beelay” markii ay soo gaartay akhbaarta dhaawaca wiilkiisa, ayaa dalbaday in laga caawiyo sidii wiilkiisa u heli lahaa daryeel caafimaad, maadaama “xaaladiisu kasii dareyso”.

    Sidda laga dheehan karo muuqaalo laga soo duubay, Axmed ayaa weerarkaas is-miidaaminta ah ku waayey mid kamid ah lugahiisa.

    “Maadaama aanan lacag haysan, waan soo lugeeyay. Intii ay dhexda kusoo jiray ayaa la isoo wacay waxaan ku dhahay ‘waan soo lugeynayaan isuga’ ileen meesha [Isbitaalka] jeebkaaga [lacagta] ayaa xukunta,” ayuu xusay.

    “Faquuq”

    Dhaawacyadda wax ku noqday qaraxaas qaarkood waxaa loo qaadey Turkiga iyo Qadar. Shaqadda daabulista waxaa maamulayey Guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Khayre.

    Sidda ku cad dukumiintiyo uu arkay GO, dhaawacyadda la qaaday ayaa la liis-gareeyay habeen kahor maalinta qaaditaankooda, waxaana lagu soo xulay sidda ay xaaladooda u liidato.

    Inta lagu guda jiray wareysiga, Axmed ayaa sheegay in uu kamid noqday dadka liiska lagu daray balse “faquuq” looga reebay safarka dibadda. Ma cadda halka loo qaadi lahaa Turkiga ama Qadar.

    “Anigoo been kuu sheegayn, waan kamid ahaa, waliba qofka 3aad ee la qoray ayaan ahaa,” ayuu ku adkeystay, isagoo tibaaxay “markii ay yimaadeen si jees-jees ah ayay ii dhinac-mareen”.

    Ma jiraan dhinacyo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta Axmed, wallow mas’uuliyiintu diideen in ay ka jawaabaan arrintaan.

    Wuxuu raaciyey: “Qof kamid ah shaqaalaha isbitaalka Madiina ayaa hal saac ku tuugayey ‘war ninkaan qaada’ waxay dhaheen ‘ma qaadeyno [wuu soo urayaa]’, jees-jees ayay iigu dhinac mareen”.

    “Dhakhaatiirta, ‘see tahay’ way iigu imaan waayeen, lugtii way iska sii urtay,” ayuu Axmed kusoo afjaray, isagoo muujiyey in uu ku qanacsan yahay qadarta ALLE balse uu aad uga xun yahay qaabka loola dhaqmay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here