Gudoomiyaha Barlamaanka JFS oo warqad culus udiray beesha Caalamka.

    Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS Mudane Mohamed Mursal Shiekh Abdirahmaan ayaa udiray Beesha Caalamka warqad taaso laga dheehan Karo inlagu tiro damaca Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Doorasho Qudbisiro ah qabsado taasoo uu rabay inuu ku jaangooyo rabitaankiisa shaqsiga,  balse Xildhibaanada JFS ayaa laalay kal hore damacaas warqada uu gudoomiyaha u qoray waxaay quus u tahay Madaxweyne Farmaajo,

    Sida ku cad warqadaa Gudoomiye Mursal u diray Beesha Caalamka ayaa ka codsaday in Laga tageero Qabsoomida  doorashada Xag farsamo isla markaasna ku cadeeyay ineeysan  dhici doonin mudo kordhin,

    Muqdishopost waxaay kalhore qortay inuu jiro khilaaf u dhaxeeyo Madaxda Qaranka , waxaana isku dhinac noqday Raisal Wasaare Khaire & Gudoonka Golaha Shacabka halka Madaxweyne Farmaajo kaliya ku taageersan fikirkiisa uu yahay Raisal Wasaare kuxigeenka kasoo aan awood buuran Laheyn,

    Warqadaan uu soo saaray Gudoomiye Mohamed Mursal waxaay daliil utahay khilaafka Madaxda Qaranka oo ku aaday Doorashooyinka 2020/2021

    Heyadaha Amniga & Gudiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ay wadaan ee abaabulka doorashada qudbasirada ah ayaa laga sugayaa sidee u qabtaan iyadoo uu jiro qaraar barlamaani ah.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here