Halka ay ka timaado qarashaadka ay dowlada ku dumiso Maamul Goboleedyada.

    Shabakada Muqdisho Post oo warbixin ka qortay halka uu ka yimaado qarashaadka dowlada u adeegsado duminta maamul goboleedyada.

    Muqdisho Post oo dabagal ku sameeysay halka ayka imaado qarashaadka ay dowlada ku bixiyo duminta Maamul Goboleedyada & laaluushka at qaadan qaar ka mid ah Siyaasiinta , odayaasha Dhaqanka , & Warbaahinta.

    Sida lawada ogyahay Dowlada sanad walbo waxaay so saarta Miisaaniyad oo lamariyo habraaca sharciga ah taaso ku qeexan Hey,ad walbo oo ka tirsan DFS wixii kaga so aad Miisaaniyada Sanad laha ah.

    Muqdisho Post waxaay dabagal ku sameeysay safarkii 2019 we dhamaatay sida loo mariyay Miisaaniyada Dowlada ,

    Raisal Wasaaraha wuxuu si isdabajoog u booqanayay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasarada Maaliyada asago kormeerayay in la iswaafajiyo lacagta labixiyay iyo nidaamka habraaca , tasso ay isha ku hayaan Heyadaha Dhaqaalaha Dunida,

    Marka aan tusaale usoo qaadno in NISA miisaaniyad qoran tahay bishii 1,040,000,00 dolar , Wasaarada waxaay uga soo bexeeysa Nidaam sax ah oo lahubiyay Habraaciisa, balse markii ay kasoo baxdo Bankiga dhexe waxaa toos u maamulaayo Agaasimaha Guud ee NISA ,

    Sidaasi darteed lacagaha oo ka kala imaado Heyadaha dowlada waxaa ay kusoo shubmeysaa iyadoo kaash ah gacanta Raisal Wasaare Kaire iyo Fahad Yaasiin,  kadibna waxaa loo adeegsanayaa Dano shaqsiyadeed.

    Markii aan qiimeen gaar ah ku sameeynay NISA lacaga Soogalo iyo tirada Ciidanka ayka kooban tahay , guud ahaan ,

    NISA waxaay ka kooban tahay 2,000 oo isugu jira ciidan iyo saraakiil, 743 Kamid ah waxaa mushaar siiyo MI6  sido kale 700 kamid Ahna waxaa siiyo CIA , waxaa soo hartay 557 ruux , oo intooda badan mushaar ahaan u qaata 150 dollar, Dowladana Miisaaniyad ahaan waxaay u ansixiyay 1,040,000,00 dolar ,

    Meeshaas waxaa ka arki kartaa in uu jiro lunsasho hantida qaranka waliba si cilmeeysan oo ay ka baran dageen,  Wasiirka Maaliya , Raisal Wasaaraha , Madaxweynaha & Fahad Yaasiin.

    Hada waxaa aragtaan 1 tusaale qiyaas hey,adaha dowlada intooda kale sidee lo mareeya qarashaadka markuu bangiga kazoo baxo.

    Xaqiiqdii qarashaadka oo sida qaldan miisaniyada loga soo leexiyay ayaa lagu burburiyay dalka sido kale qarash ay Dowlada Qatar bixiyo ayaa iyana lo adeegsada burburinta Maamul goboleedyada.

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here