NISA matahay Hey’ad Qaran Mise waa Habraac Dana Shaqsi lagu Gaaro

    Wixii ka danbeeyay Doorashadii uu ku guuleestay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, NISA waxaay so martay Marxalado kala badisay & Hogaano kala duwan,

    Aanka soo amba qaadno Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen, intii uu joogay wuxuu maqal saar ka ahaa Howlaha Xafiiska Maxaa yeelay Madaxweyne Farmaajo ayaa si toos usoo magacabay wiilka uu adeerka utahay Abdullahi Kulane oo mareeykanka loogu yaqaano (Kulane Doora Naar) Naaneestaas oo ugu baxday in uu qatar ku ahaa Qalista Dooroyinka ,

    Madaxweyne Farmaajo Kulane Dooranaar wuxuu magacabay Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha NISA taaso meesha ka saartay Awood Agaasimaha Guud ee NISA,

    Agaasime Kulane Dooro Naar wuxuu durbadiiba bilaabay in uu kala diro Saraakiisha & Ciidankii Sirdoonka Qaranka, asagoo Qaarna badal usameeyay qaarna ilaa hada aan xuquuqdooda meel lagu sheegin,

    Agaasime Kulane Doora Naar wuxuu dajiyay Qorshe & Qaab dhismeed cusub taaso si wayn wax looga badalay Qaab Dhismaha NISA,

    Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen wuxuu u adkeesan wayay in uu maqal saar ka noqdo howl uusan shaqo ku laheyn,  sidaasi darteed wuu iscasilay asagoo ku marmarsiiyoonayo doorashan ka qeyb galayaa,

    Agaasime Kulane Doora Naar & Fahad Yaasiin oo kusime Noqday waxaay si toos u dhaqan galiyeen Qaab dhismeedka cusub, kaaso lagu Baabiyay, Hogaanka Dabagalka NISA,

    Sido kale Agaasinka Sirdoonka Gudaha NISA ayaa la qeybiyay, Waaxyaha uh ka kooban tahay,  labada waxed ugu muhiimsan sida waaxda Baariista NISA & Waaxda Macluumaad ka NISA waxaa toos loo hoos geeyay MI6 sirdoonka Ingiriiska kooxda fadhiisato Airportka OO ku shaqeysta Cover NISA ah balse toos ay u maamulaan MI6 , waxaana 10 sano u danbeeysay Maamulaayay labo Sarkaal oo Jinsiyadoodu tahay Somali balse dhalasho ka heesto Ingiriiska kana tirsan Sirdoonka MI6 waxaana lagu kala magacabaa liiban Daahir , &  Addow,

    Ujeedada ugu weyn ee loo burburiyay Hogaanka Dabagalka ayaa in aysan dabagal ku sameeynin tuhunada Madaxda NISA ee alaaba dadka Soomaaliyeed ka hadlaan,  Maadama shacab iyo Siyaasiiyiin intoodaba isla qireen inuu jiro isku Milan NISA & ALSHABAAB,

    Sido kale ahdaafta loo baabiyay Qaabdhismeedka NISA ayaa ah in ay noqoto Xarun lagula dagaalo qofkasto ka aragti Duwan Madaxda Qaran ka , ama ineey noqoto meel loogu kaabingareeyo siyaasada Dowlada,

    Lasoco Qeybta Labaad

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here