Somaliland oo gaashanka uduruurtay Isbahaysiga Cusub ee uu hurmuudka ka yahay Saudi Arabia

    Dowlada Iskeed ugh dhawacday Madaxbanaanida  Somaliland ayaa maanta shaaciyey ineeysan aqoonsaneyn isbaheysiga Carabta iyo Afrika ee Isniintii looga dhawaaqay Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

    Warsaxaafadeed  kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in sababta ay u diideen golahaas ay tahay in aanan laga talo-gelin.

    Sido kale Dowlada Somaliland  waxaay hoosta ka xariiqday  inaysan marnaba wada shaqeyn la yeelan doonin wadadmada ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta laga aqoonsanayo gooni isku taageeda.

    “Somaliland waa dal madax bannaan dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Isbaheysigan cusub ayaa waxaa ku mideysan illaa sideed dal oo isugu jira dalal carbeed iyo Afrikaan xad la leh Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal la doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga iyo is dhex galka dhaqaale ee Gobolka.

    Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudi Carabiya, Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Urdun, Yemen iyo Eritrea ayaa saxiixay Axdiga Golaha ee loogu gogol xaarayo shirka Madaxda wadamadan ee dhowaan la qabanayo.

    Soomaaliya ayaa meel muhiim ah kaga taal labada marin ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas, waxaana muuqata in loolanka juquraafiga siyaasadda ee ka jira Gobolka inuu ka dhigi karo meel aad muhiim ugu noqon karta dalalka Caalamka, marka laga eego Istiraatiijiyad ahaa halka ay Soomaaliya ku taalo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here