Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo Tababar loogu soo xiray Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ee maamulka Koonfur galbeed.

    Taliyaha Qeybta 60-aad ee CXDS  Sareeyo Guuto Mohamed Sheikh Abdullahi Xiirow & Saraakiil kasocota Dowlada Ingiriiska ayaa si wadajir waxaay  tababar ugu soo xireen cutubyo kamid noqon doona  CXDS kuwasoo mudo 2 bil ah tababar uga socday Dugsiga Tababarka ciidanka Dowlada Ingiriiska ay ka furtay Baydhabo.

    Inta uu tababarkan  socday waxaa tababarta  bixinayay Sarakiil katirsan ciidanka Dowladda Ingiriiska,

    Ciidankan cusub ee dhameestay Tababarka ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan howlgaladda lagu xaqiijinayo Amniga dalka gaar ahaan goboladda Koonfur Galbeed oo Haatan Wadooyinkooda ay go’doomiyeen Maleshiyada Alshabaab.

    Xiritaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, Tamarta iyo Biyaha Sarakiisha ciidanka Booliska Mileteriga iyo Marti Sharaf kale.

    Cutubyadan Maanta Tababarka loo soo xiray ayaa soo Bandhigay habka loo fuliyo howlgaladda iyo sida la’isaga difaaco weeraradda gaadmada ah.

    Taliyaha qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Madaxda Safaaradda Dowlada Ingiriiska ay ku leedahay Soomaaliya, sida marwaliba ay u garab taagan yihiin Dowladda Somaaliya.

    Ciidanka ayuu kula dardaarmay in tababarka ay qaateen inay gaarsiiyaan ciidank kale aanan fursadan u helin.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here