Iiraan oo xeebaha Soomaaliya ka badbaadisay 13 qof

    Ciidanka Bada  Iiraan ayaa howlgal ka fulisay xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo lagu soo bad-baadiyey dad u dhashay dalka India.

    Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la dagaalanka burcad badeedka ee Iiraan dadkii aysoo badbaadiyeen tiradoodu lagu sheegau 13 qof uu dhashay dalka Hindiya.

    Goortii labadbaadinayay Dadka Hindida waxay saarnaayeen Doon laga sameeyey Alwaaxyo taasoo ku dhex socotay gudaha Xeebaha Soomaaliya.

    Ciidamada Iiran ayaa markii ay dadkaan soo badbaadiyeen kadib waxay ku wareejiyeen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Hindiya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here