Madaxweyne Ahmed Madowbe ayaa Shirka Golihiisa Wasiirada uga hadlay Arrimo Xasaasi ah

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

    Madaxweyne Ahmed ayaa Golaha Wasiirada ugu warbixiyay Xalada  Siyaasada dalka & Caqabada ku horgudban wada shaqayn la’aanta Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo saamayn ku yeelatay Howlgalada dalka looga sifeeynayo Argagaxisada  iyo in ay dowlada rabto mudo kordhin ama doorasho aan waafaqsaneen dastuurka.

    Inta uu socday Shirka Golaha Wasiirada waxaa warbixin looga dhageystay  Gudiga dakhaalaha oo kawarbixiyay   Xaalada dhaqaalaha iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu ku imaanayo guulaha ay soo hoyeen isla markaasna faray in hanaanka canshuuraha iyo in dakhliga lakoriyo Sanadkan 2020.

    Sido kale waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarada Xanaanada xoolahana warbixin la xiriirta shir lagaga hadlayay hanaanka talaalka xoolaha iyo sidii loogu mari lahaa qaab lagula socdo caafimaadkooda iyadoo la fulinayo dhamaan talaalada xoolaha si caafimaadka xoolaha nool loola socdo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here