Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad rasmi kahelay Kaligii Taliyaha Eritrea

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo Jimco ah u safri doona magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

    Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xiriiro arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka iyo xaalado muddooyinkii u dambeeyay soo kordhay.

    Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya ee Is dhex galka iyo Iskaashiga Gobolka, sidoo kale Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ka mid ah Isbaheysiga cusub ee dalalka ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Caddan oo dhowaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee 8 waddan ku kulmeen Magaalada Riyadh.

    Sido kale inta uu joogo Madaxweyne Farmaajo Eritrea wuxuu tababar ka usoo xiri doonaa 1 Guuto oo ciidan Soomaali ah tasoo 6 bilood we u danbeysay gudaha Eritrea ku qaadanayay tababaro,  xogo hoose oo ay heyshay Muqdishopost ayaa sheega in ciidankaas loo adeegsan doono laba noocood,

    1. Qeyb kamid ah Ciidan ka Waxaa ay lahowlgali doonaan kaamirooyinka lagu xiray muqdisho

    2. Waxaay qeyb kanoqon doonaan koox dharcad oo ku hubeeysan bistoolado fulin doonan qorshooyin qarsoon marka aysoo dhawaato doorashada dhici doonto 2021.

    Ciidankaas waxaa ay si toos ah u hoos tagi doonaan Agaasimaha Guud ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Waxaana la filayaa in ciidankaas ay dalka soo garaan bilaawga nisha February 2020

    Dhinaca kale Dowladda Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay heysay malafka arrimaha Gobolka ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay leeyihiin, iyadoo bishii hore Madaxweyne Isaias Afwerki uu booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta, maalmo kaddibna waxaa uu tagay Addis Ababa.

    Eritrea ayaa bishii November ee sanadkii hore ku eedeysay Qatar inay dalkeeda ka wado xasillooni daro iyo kacdoon ay dooneyso inay ku kiciso dhalinyarada, abuurista falal amni daro oo ay ka mid tahay sameynta Kooxo shirqoolo dilal ku fuliya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha sare.

    Dowladda Soomaaliya ayaa xulufo dhow la ah dalka Qatar oo ka taageer dhinacyo kala duwan oo dhaqaalaha ugu weyn yahay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here