Alshabaab oo gudaha Kenya jidka ugalay gaari bas ay saarnaayeen 48 ruux laga badbaadiyay

    Alshabaab ayaa jidka u galay gaari bas oo u socday magalada Nairobi balse waxaa si farsame leh uga badbaadiyay rakaabka darawalka wadayay gadiidka.

    Darawalkii badbaadiyay rakaab saarnaa bas lagu weeraray bariga dalka Kenya. Ayaa yiri Ma ihi qof geesi ah

    Darawalkan oo lagu magacaabo Raymond Juma ayaa Qaaday tallaabooyin khatartooda leh si uu u badbaadiyo 47 qof oo rakaab ah oo saarnaa baska xilligii uu weerarka dhacayay.

    “Rakaabkii aan waday waxay lamid ahaayeen sida walaalahey iyo waaliddiinteyda, marka waxaan sameeyay tallaabo kasta oo aan ku badbaadin karo nafteyda iyo dadkii aan jeclaa,” ayuu yiri Raymond Juma oo BBC la hadlayay.

    Juma wuxuu darawal ka ahaa mid ka mid ah labo bas oo 2-dii bishan Janaayo ay rag hubeysan ku weerareen inta u dhexeeyso magaalooyiinka Mombasa iyo Lamu ee dalka Kenya, waxaana baska iska laheyd shirkadda basaska ee Mombasa Raha.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in raggii weerarka kusoo qaaday ay ku labisnaayen dareeska militariga xilli rasaas hawada u rideen isla markaasna waxay ku amreen inuu joojiyo baska.

    “Markii aan diiday in aan joojiyo baabuurka, waxay nagu fureen rasaas, marka waxaan ogaa haddii aan istaajiyo baabuurka inay na dilayaan dhammaanteen. Rasaastee nagu fureen kaliya lugta kaliya ayeey ku dhacday¬† dhamaanteena waanka badbaadnay baabuurkiina nalama gadoomin ”

    “Waa maalintii ugu naxddinta badneyd abid ee soo marta nolosheyda, waa Alle mahaddiis, baskii ma uusan gaddoomin, dhammaanteen waa badqabnaa,” ayuu yiri daraqwalka.

    Ma’ahan markii ugu horeysay oo alshabaab ay gudaha¬† kenya ay weerar ka geestan,

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here