DEG DEG: Liiska xildhibaanadada Galmudug oo haatan lasoo saaray

    Guddiga farsamada maamul u sameynta Gamudug ayaa maanta shaaca ka qaaday liiska xildhibaanada cusub ee baarlamanka Galmudug oo muddo la sugayey.

    Liiskan ayaa ka kooban 83 xildhibaan oo isugu jira 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna iyo 63 xildhibaan oo ay soo gudbiyeen odayaasha beelaha.

    Waxaa liiska ka dhiman kaliya 6 xildhibaan, oo beelahooda aysan soo gudbin, ayada oo la filayo in maalmaha soo socda ay soo gudbiyaan.

    Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horeeyay yeesho toddobaadkan, kadib dib u dhacyo muddo badan hareeyay, waxaana xiga doona doorashada guddoonka baarlamanka iyo madaxweynaha.

    Liiskan ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu dowladda kala noqdo u wakiilashadiisa arrimaha maamul u dhisidda Galmudug, islamarkaana ku adkeystay inay xukuumaddiisa sii shaqeyn doonto.

     

     

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here