Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Wadanka Eritrea

    Madaxweyne  Mohamed Abdullahi Farmaajo &  wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara International Airport kusoo dhoweeyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

    Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Asmara ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, halkaasi oo labada hoggaamiye ay wada-hadallo ku yeelan doonaan.

    Dowladda Eritrea ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la noqday dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna si qarsoodi ah u tababartaa ciidamo Soomaali ah. Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale ku wada jira Isbaheysi saddex geesood ah.

    Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga ujeedka safarka madaxweynaha, hase yeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli uu dhowaan Afwerki kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka, kadibna uu ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay wadahadallo ku yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Booqashadan ayaa sidoo kale imaneysa xiili xiisad ay ka dhex oogan tahay dowladda Eritrea iyo dowladda Qatar oo aad ay isugu dhow yihiin Villa Somalia, mana cadda sida booqashada madaxweynaha ay tan u saameyn doonto.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here