Haddii aad weydiiso sida ay suurtagal ku noqonaysana waxa ay ku leeyihiin annagaad nagu kacsan tahey

    Xildhibaan Ahmed Moallin Fiqi ayaa si maldahan uga hadlay hanaanka doorasho ee Madaxweyne Farmaajo ku doonayo in dalka aykacdo doorasho sanadka 2021,

    Xildhibaan Fiqi ayaa layaabay hadii uu Madaxweynaha rabo doorasho qof iyo cod ah, sidee u qabsoomeysa iyadoo aanla bixin karin sharuudihii lagama maarmaanka u ahaa.

    Hadal kooban uu bartiisa Facebook ku qoray Xildhibaan Fiqi ayuu ku yiri sida tan.

    “Doorashada Dalka Soomaaliya ee 2020/2021 haddii la soo jeediyo In lagu qabto Mars-ka ama Jupiter-ka waxaa jira qolo oronaysa waa suurtagal In lagu qabto, beesha caalamkuna dhaqaalihii ku bixi lahaa waa la diyaar!

    Haddii aad weydiiso sida ay suurtagal ku noqonaysana waxa ay ku leeyihiin annagaad nagu kacsan tahey amaba arrinku xaajo iyo gar ayuu isku bedelayaa!!

    Qof waa dayoobi karaa, doorbinkuna waa ka lumi karaa laakin marka dal uu dayoobo dad aan macquulnimo ku shaqeyn ayaa qoorta u gala!!

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here