Sarkaal sare oo katirsan NISA ayaa lagu dhax dilay Muqdisho.

    Warar goordhaw soo gaaray MuqdishoPost ayaa sheegaya in maanta lagu dhax dilay magalada Muqdisho Taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda ee Gobolka Shabeelada Hoose .

    Taliyaha waxaa Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ku toogtay kooxo ku hubeysan buskoolado oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

    Taliye ku xigeenka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dhaayow  Cusmaan Aadan, waxaana la sheegay inuu dhawaan yimid Magaalada Muqdisho.

    Dhaayow ayaa horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee muddo 6 bil ah maamulayey Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ahaa Taliye ku xigeenka Hey’adda NISA ee Degmada Qoryooley.

    Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsadeen goobta, waxaana daqiiqado kadib soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo sidii looga bartay sameeyey baaritaan ku kooban goobta uu falka ka dhacay iyadoo la ogyahay in kooxaha wax dilo ay isaga tagaan guud ahaan goobta.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here