Xaaf oo warsaxafadeed kasoo saaray xildh. Cusub ee Galmudug

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee bannaanka ka jooga howsha maamul dhisidda Galmudug ee ka socota Dhuusamareeb ayaa ka soo horjeestay liiskii Xildhibaannada Baarlamaanka ee shalay la shaaciyay, isagoo ku tilmaamay inay aheyd mid been abuur ah.

    Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf oo maalmahan ku sugan Gaalkacyo ayaa lagu sheegay inay la xisaabtamayaan ciddii soo saartay liiska been abuurka ah.

    Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in liiska la soo saaray shalay ay u hambalyeeyeen Xildhibaano ka soo jeeda Galmudug oo saddex sano mucaarad ahaa, kana soo horjeeday fashilka iyo musuq maasuqa xukuumadda dalka.

    Halkan hoose ka akhriso:-

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here