Xildh. Mahad Salaad oo ka qeyb qaatay dhismaha wadada isku xirta Guriceel & Dhuusamareeb.

    Waxaa mudooyinkii u danbeyay socday abaabul dib u udhis balaaran oo lagu sameen rabay wadada isku xirta magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

    Intuu socday abaabulka dhismaha wadadaas waxaa gacan wayn ka geestay xildhibaan Mahad Salaad  iyo siyaasiin kale oo ka soo jeeda Galmudug.

    Mar uu booqday wadadaas xildhibaan Mahad Salaad kadib wuxuu bartiisa Facebook ku soo qoray qoraal kooban waana sida tan.

    “Waxaan saakay soo gaarnay degmada Guriceel si aan u bogaadino Mashruuca MIDOW BULSHO ee dhismaha laamiga isku xira Guriceel iyo Dhuusamareeb.

    Waxaan bogaadinaynaa bulshada reer Guriceel ee isku xilqaamay dhismaha laamigaan. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada reer Galmudug Qaran-Joog iyo Qurbo-Joog in ay ku gacansiiyaan dadka deegaanka dhismahaan waxtarka weyn u leh bulshada reer Galmudug.

    Safarka waxaa nagu wehliyay Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Gudoomiye Xaliimo Yareey, Xildhibaano iyo Wasiiro Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulada degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.”

    Hon. Mahad Salad

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here