Galmudug waxaa ladiiwaangaliyay qaar kamid ah Musharaxiinta gudoonka golaha shacabka galmudug

    Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.

    Guddiga Doorashada ayaa Maanta diiwaan-geliyay ilaa iyo Saddex Musharax, waxaana labada kamid ah ay u tartamayan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Galmudug, halka mid kalena uu u tartamayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

    Musharaxiinta laga guddoomay Araajida iyo Taariikh nololeedkooda ayaa kala hadlay Maxamed Nuur Gacal, Cabdinaasir Aadan Cusmaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow oo u sharaxan xilka Guddoomiyaha, halka Maxamed Sheekh Axmed Maalin u taagan Guddoomiye ku-xigeenadka labaad.

    Guddiga Doorashooyinka ayaa maalmo kahor shaaciyay in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad  ee Galmudug la qaban doono 17-ka Bishan, iyagoona soo saaray Shuruudaha Guddoonka Baarlamaanka.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here