Jubaland ayaa so bandhigtay rag kasoo goostay alshabaab

    Taliska hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay rag badan oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab.

    Qoraal kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ragga oo gaaraya ilaa iyo 8 Nin ay kasoo goosteen Al-shabaab, isla markaana ay isku soo dhiibeen Ciidanka maamulka Jubbaland.

    Sidoo kale qoraalka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in 8-da Nin baaritaano dheer lagu sameeyay, iyagoona markii dambe la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada kasoo goosatay Al-shabaab.

    “Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay 8 nin oo kamid ahaa Al-Shabaab kuwaas oo isku soo dhiibay Dowlad-goboleedka Jubbaland, waxaa baaris dheer kaddib la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada” ayaa lagu yiri Warka baxay NISA jubbaland.

         

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here