Madaxweyne Jubaland ayaa gaaray Magalada Boosaaso

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaas oo siweyn loogu so dhaweeyay.

    Markii uu gaaray halkaas ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni o ku sugnaa magaalada Boosaaso,intaas kadib ayaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada.

    Madaxweynayaaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland aya lagu wadaa in ay yeeshaan kulan ay uga arrinsanayaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo wadashaqeynta dowladda iyo maamulada xubnaha ka ah dowlada fedraalka Soomaaliya.

    Safarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  uu ku tegay deegaanada maamulka Puntland ayaa ah kii ugu horeeay tan iyo markii dib loo doortay iyada oo halkaas ay wadahadalo kala duwan ku yeelan doonan dhiggiisa Puntland.

    Maamulada Jubbaland io Puntland ayuu xiriirkoodu aad u wanaagsanyahay dhinaca kalana waxaa xiisad Siyaasadeed ay kala dhaxeysaa dowladda Soomaaliya iyaga oo u jeediyay eedeymo ay ka midyihiin wadashaqeyn xumo iyo latashi la’aan maamulada ah.

      

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here