Xaaska Madaxweyne Farmaajo oo saameeyn weyn ku leh Doorashada Galmudug

    Sida ilo lagu kalsoon yahay ay warbaahunta usheegeen Marwada Qaranka Seynab Maxamed Macalin ayaa waxay door weyn ku leedahay Arimaha Doorashada Galmudug.

    Gabdho ku jira Baarlamaanka Galmudug waxay sheegeen in ay lasoo hadleen Haween Ergo ahaan ka ahaa Marwada Qaranka Seynab.

    Waxay sheegeen inay ka dalbatay Codkooda inay ku taageeraan Doorashada Berri ka dhaceysa Dhuuso mareeb Iyagoo codka siinaya Dr Maxamed Nuur Gacal.

    Seynab ayaa sidoo kale iyada qadka taleefoonka loogu dhiibay Xildhibaano dhowr ah oo Rag iyo Dumar iskugu jira islamarkaana ay dalabka inay Gacal taageeraan ugudbisey.

    Dhaqaale ayey Villa Soomaaliya ku bixineysaa soo saarida Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo gacal ay la rabto inkastoo wax walbo is badeli karaan,siyaasaduna ay mararka qaar kaa jan jeersan karto.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here