Dr: Maxamed Nuur Gacal Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

    Magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaa gordhow lagu soo gaba-gebeeyay doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ay ku tartamayeen laba Murashax.

    Murashaxiinta ku tartamayay kursiga guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa kala ah C/naasir Aadan Cusmaan iyo DR: Maxamed Muur Gacal waxaana Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug loo doortay DR: Maxamed Nuur Gacal oo helay 54-Cod halka C/naasir Aadan Cusmaan uu helay 34-Cod.

    Dhinaca kalana waxaa gordhow iyana bilaaban doonta doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here