Madaxweyne Dani oo casuumad dhaqan usameeyay Ahmed Madoobe

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Munaasabada qado sharaf ah oo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani uu u sameeyay Wafdiga uu Madaxweynahu hogaaminayo ee booqashada ku jooga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

    Qado sharaftan ayaa Wafdiga Madaxweynaha loogu sameeyay deegaanka Biyo Kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso.

    Madaxweynaha ayaa Shacabka iyo Xukuumada Puntland uga mahad celiyay soo dhawaynta qiimaha badan ee loo sameeyay Wafdiga isagoo xusay in ay kulanka Madaxda diirada lagu saari doono Iskaashiga labada dhinac iyo xaaladaha amaanka iyo Siyaasada guud ahaan dalka.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here