Ciidamada DFS ayaa rasaas ku furay gaari shacab ah oo marayay duleedka muqdisho

    Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka halkaas ay ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah.

    Ciidamada dowladda ayaa rasaaseeyay Gaarigaas oo noociisu ahaa Hoomey xili uu ku socdaal ku marayay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadkii saarnaa gaariga.

    Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta  ayaa waxaa u sheegeen in Ciidanka dowladda xiliga ay rasaasta ku furayeen gaariga ay yimideen dhanka Afgooye, kuwaasi oo falka kadib goobta ka tegay.

    Ugu yaraan 7 ruux oo kamid ah dadkii la socday gaariga ayaa dhaawacyo ka soo gaartay rasaasta, waxaana 3 kamid ah dadkaas ay yihiin Haween halka 4-ta kalena ay yihiin Rag.

    Sidoo kale Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad ee ku taalla duleedka Muqdisho, waxaana la sheegayaa in qaar kamid ah dadaas xaaladooda Caafimaad ay tahay mid Culus.

    Inta badan Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiliyada ay socdaalka ku marayan wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaa ay furaan rasaas badan, taasi oo khasaaro ay kasoo gaarto dadka shacabka ah ee halkaas ku sugan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here