Afgooye oo Dagaal culus ku dhaxmaray Ciidamda DFS iyo alshabaab

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Sahabaab weerar dhowr jiho ah ay ku soo qaadeen degmadaasi.

    Sido kale Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan oo qeyb ka ahaayeen madaafiic ay is weydaarsadeen labada dhinac.

    Ilo lagu kalsoon yahay ayaa  warbaahinta Madaxa banaan u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ku dhowaad 5 askari, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

    Dhinaca kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

    Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ay dib u laabteen dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

    Inta badan degmada Afgooye ayaa weeraro mir ah la kulanto, waxaana khasaaraha ugu badan ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmadaais.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here